Militeriga Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Booco oo qiyaastii 45 kiilomitir u jirta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, sida uu baahiyay teleefishinka qaranka dalka Soomaaliya.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen deegaanka Booco oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen maxkamad iyo saldhigyo.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanka.
Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dileen in ka badan 100 dagaalyan oo ka tirsan Al-Shabaab ka dib howlgallo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan.