Qiyaastii hal milyan oo carruur ah oo ay da’deedu ka yar tahay 5 sano iyo in ka badan 100,000 haween oo uur leh iyo kuwa nuujinaya ayaa nafaqo darro wajahaya islamarkaana ay u baahan yihiin daweyn iyo gargaar degdeg ah.
Nafaqo darrada carruurta haysata ayaa sababtay abaaraha saameynta ku yeeshay ismaamullada wadanka.
In ka badan 3.5 milyan oo Kenyan ah ayaa soo foodsaartay macluul ka dhalatay cuno yari ba’an oo ay abaaruhu sababeen.
Maamulka qaran ee qaabilsan maareynta saameynta abaaraha ee NDMA iyo hay’ada laanqayrta cas ee Red Cross ayaa laga soo xigtay in tirada carruurta ay soo foodsaartay nafaqo darrada ba’an ay kor u kacday bishii hore, islamarkaana ay gaartay ilaa 942,000.
Ismaamullo dhowr ah oo ku yaalla gobolka waqooyiga dalka ee oomanaha oo ay abaartu saameysay ayaa lagu wadaa inay ka faa’iideystan lacag uu maareynayo maamulka qaran NDMA si loo yareeyo saameynta nafaqo darrada ee carruurta.