DHAGEYSO:In ka badan 3,000 oo sanadkan ku dhintay shilalka waddooyinka

0
335

Waxaa sare u kacay xaaladaha shilalka waddooyinka ee laga diiwaangeliyo gudaha wadanka.
Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa sheegay in sanadkan ay gudaha Kenya shilal ugu dhinteen dad kor u dhaafaya 3,358 oo qof.
Tiradan ayaa la xaqiijiyay laga soo billaabo bishii koowaad ee sanadkan ilaa 13-kii Sebteembar.
Sanadkii hore muddadan oo kale waxaa shil ku nafwaayay 3,122 qof.
Tani ayaa ah sare u kac dhan boqolkiiba 7.6
Habeen ka hor ayay ahayd markii shil u dhexeyay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha iyo baabuur kale uu ka dhacay waddada Ngong Road.
Waxaa shilkaasi ku dhintay hal qof oo marayay agagaarka waddada .
Goobjoogayaasha shilkan ayaa warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen.

Darawalkii kaxeynayay mataatuuda shilka gashay ayaa la qabtay waxaana la filaya in maxkamad la soo taago.