Dadka qabo baahiyaha gaarka ah ee ismaamullada Bungoma iyo Isiolo ayaa wacad ku maray inay maanta maxkamadda geynayaan dacwad ay uga soo horjeedaan in la dhaariyo wakiillada ismaamullada.
Waxay warbaahinta u sheegeen inay tabashooyin ka qabaan qaabka loo soo xushay wakiillada loo magacaabay inay naafada matalaan.
Cabashadooda ayaa ku saleysan inay jiraan dad naafo ah oo horay loo soo xushay balse magacyadooda kuwo kale lagu beddelay.
Sidoo kale waxay sheegayaan in dad aan naafo ahayn qaar ka mid ah jagooyinkan loo magacaabay.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Naafada Bungoma iyo Isiolo oo cabasho ka qabo magacaabidda wakiillada ismaamullada