NHIF oo beenisay in xogteeda la tirtiray

0
312

Waaxda caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF ayaa war marin habaabin ah ku tilmaantay qoraal lagu faafiyay baraha ay bulshadu ku xiriirto.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday warbixin sheegaysa in la tirtiray macluumaadka waaxdan u kaydsan.
Hasa ahaate NHIF oo qoraal soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ayaa taasi ku tilmaantay war been abuur ah oo la doonayo in dadweynaha lagu marin habaabiyo.
Bayaanka NHIF waxaa ku cad in shacabka loogu baaqayo inay iska indha tiraan qoraallada .
Waxay dhanka kale macaamiisheeda u xaqiijisay in macluumaadka ku jiro hannaankeeda uu yahay mid ilaashan.