Midowga Yurub ayaa dalbaday in la soo saaro guddi baaritaanno ku sameynaya falal dambiyeedyo la sheegay in Ruushka uu ka gaystay gudaha dalka Ukraine.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Czech Republic sidoo kalena hadda ah madaxa EU-da Jan Lipvasky, ayaa sheegay in xadgudubka Ruushka ee ka dhanka ah shacabka uu yahay mid aan la qaadan karin.
Waxaa uu intaasi ku daray inay qasab tahay in xukuumadda Moscow lagula xisaabtamo oo loo ciqaabo tacaddiga ay ka gaysatay gudaha wadanka Ukraine laga soo billaabo 24-kii Febraayo.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy uu sheegay inay heleen caddeyn hor leh oo muujinaysa in jirdil la gaystay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in la arkay xabaal wadareed la rumeysan yahay in lagu aasay meydad gaaraya 400.