Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in la joogo wakhtigii isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ay aqbali lahaayeen in ay yihiin kuwa looga tiro badan yahay golaha qaran ee xeer dejinta iyo aqalka sare.
Ruto ayaa sheegay in aan loo baahneyn in wakhti lagu lumiyo ka doodista arrimo iska cad oo ah in xisbi walbo u tirada mudanayaal u haysto uu ogyahay.
“Saaxiibadeena dhinaca kale waxay dooran doonaan hoggaamiyayaasha laga tirada badan yahay,” ayuu yiri madaxweynaha cusub ee wadanka.
Waxaa uu xusay in laga soo gudbay sida uu hadalka u dhigay xilligi la isticmaali jiray hay’ado madaxbannaan si ay siyaasiyiinta u cabsi geliyaan.
Hadalkan ayuu ka jeediyay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru, halkaasi uu labadii cisho ee ugu dambeysay isbeheysiga uu hoggaamiyo Kenya Kwanza shir uu guddoominayay la yeeshay xubnaha baarlamaanka ku matalayo.