Azimio oo xildhibaanka Ugunja u soo xulatay xilka hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka

0
299

Isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya ayaa mudanaha deegaan baarlamaneedka Ugunja ,Opiyo Wandayi u dooratay inuu noqdo hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka.
Waxaa Wandayi ku xigeen looga dhigay dhigiisa deegaanka Kathiani Robert Mbui.
Junet Maxamad oo laga soo doortay bariga Suna ee ismaamulka Migori ayaa loo xushay inuu qaabilsanaado kala dambeynta dhanka baarlamaanka halka Sabina Chege oo la magacaabay ay ku xigeen u noqonaysa.
Dhanka aqalka sare , senatarka Kilifi Steward Madzayo ayuu isbeheysiga Azimio doonaya inuu noqdo madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay waxaana ku xigeen looga dhigay dhigiisa Kitui Enock Wambua.
Faadumo Dulo oo ah senatarka ismaamulka Isiolo ayuu isbeheysiga Azimio u magacaabay madaxa nidaamka kala dambeynta waxaana ku xigeen u ah senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna.