Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka kana mid ah mas’uuliyiinta sare ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya ayaa ka jawaabay hadal maalin ka hor ka soo yeeray madaxweynaha dalka William Ruto oo ahaa in mucaaradka aysan qayb ka noqon doonin xukuumadda uu soo dhisi doono, taa beddelkeedana ay qadan doonaan doorkooda mucaaradnimo ee ah in dowladda lagula xisaabtamo howlaha ay qabaneyso.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay mucaarad la xisaabtama dowladda dhexe.
Kalonzo oo u jawaabaya madaxweynaha dalka ayaa sheegay inaynan daneyneen ka mid noqoshada waaxyaha fulinta ee dalka beddelkeedana ay qabsan doonaan doorkooda ku aadan la xisaabtanka dowladda.