Madaxweyne ku xigeenka dalka oo dhaliilay waaxda dambi baarista

0
367

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa saraakiisha waaxda dambi baarista ee DCI-da ku eedeyay in si aan habboonayn ay u adeegsadaan awooddooda xafiiseed.
Xilli uu barasaabyada cusub shir uga furay ismaamulka Mombasa ayuu Mr. Gachagua hoosta ka xarriiqay in dambi baarayaasha ay waayihii dambe bartilmaameedsanayeen mas’uuliyiinta la soo doortay si gaar ah guddoomiyaasha ismaamullada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in bartilmaameedsigan awgiis ay barasaabyada qaar ku adkaatay inay gutaan waajibaadkooda shaqo.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa agaasimaha waaxda dambi baarista George Kinoti kula taliyay in barasaabka baaritaannada lagu sameynayo uu u soo qoro warqad uu ugu yeerayo oo uunan u dirin saraakiisha isaga ka amar qaata.