Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa wadanka dibadiisa ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la xisaabtamo maamulka madaxweyne William Ruto.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay ka soo bixi doonaan kaalintooda mucaaradnimo ee kormeeridda waxqabadka dowladda.
Waxaa uu dhanka kale dhaliil u jeediyay waaxda garsoorka ee dalka isagoo xusay in waaxdu ay kenyaanka uga digtay ka falcelinta go’aankii ay maxkamadda ugu sarreysa ku ayidday guushii Ruto iyo ku xigeenkiisa.
Xilli uu shalay ka qayb galay caleema-saarka barasaabka cusub ee ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir ayuu hoggaamiyaha Azimio xusay in aanan marnaba laga hor istaagi karin ka shaqeynta sidii isbeddel loogu sameyn lahaa waaxda caddaaladda ee dalka.
Raila ayaa sheegay in haddii ay dantu keento ay dalban karaan inay xafiisyada banneeyaan 7-da garsoorayaal ee maxkamadda Supreme Court.
In kastoo qaar ka mid ah warbaahinta dalka ay horay u tabiyeen in Mr. Odinga uu aaday Maraykanka waxaa uu shalay xaqiijiyay in isaga iyo qoyskiisa ay safar ku tageen jasiiradda Zanzibar.