Waaxda DCI oo beenisay inay jiraan saraakiil shaqada laga eryay

0
412

Waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku beenisay inay jiraan 7 sarkaal oo lagu qasbay inay is casilaan.
Waxay sheegtay inay waxba kama jiraan yihiin warar arrintan ku saabsan oo lagu faafiyay baraha bulshada.
DCI-da ayaa caddeysay in saraakiisha ay si iskood ah shaqada uga tageen iyadoo aynan jirin cid qasabtay.
Qoraalka waaxda waxaa ku cad in howlwadeennada ay is casileen taariikhyo kala duwan bishii hore si ay dano khaas u ah u guda galaan.