William Ruto oo qaabilay wufuud ka socotay Jarmalka iyo Maraykanka

0
287

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi ku qaabilay wufuud ka kala socotay dalalka Jarmalka iyo Maraykanka.
Qoraal uu soo dhigay barahiisa bulshada ayuu Ruto ku sheegay inuu la kulmay madaxweynihii hore ee Jarmalka Christian Wulff oo u siday dhambbaal hambalyo ah.
Waxaa uu sheegay in dowladaha Kenya iyo Jarmalka ay sare u qaadayaan xiriirka ka dhexeya si Kenya ay ugu tallaabsato kobac dhaqaale oo waara.
Hoggaamiyaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in iskaashiga labada wadanka uu ku saleysan yahay tababarro dhanka farsamada ah oo loo fidinayo dhallinyarada , tamarta iyo wax soo saarka beeraha.
Ruto ayaa qoraal kale ku xusay inuu la kulmay wakiilka arrimaha ganacsiga ee Maraykanka Katherine Tai oo hoggaaminaysay wafdi ku booqday madaxtooyada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in Kenya iyo Maraykanka ay wadagaan xiriir taariikhi ah oo dhanka bulshada iyo dhaqaalaha ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in labada dowladood ay sidoo kale ka wada shaqeeyaan arrimaha caafimaadka, ganacsiga iyo amniga.
Safiirka Maraykanka ee Kenya Meg Whitman ayaa dhankeeda madaxweyne Ruto uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu u qaabilay waxayna sheegtay inay diiradda saari doonto sidii loo xoojin lahaa iskaashiga laba geesoodka ah.