WHO oo ka digtay in daacuun uu ku fidi karo Syria

0
268

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay inay aad u sarreyso halista faafitaanka cudurka daacuunka ee gudaha dalka Syria.
Tani ayaa timid ka dib markii kiisas laga diiwaangeliyay ugu yaraan 5 ka mid ah 14-ka gobol ee wadankaasi.
Daacuunka halkaasi ka dillaacay ayaa loo aaneynaya in dadku ay cabbeen biyo aan saafi ahayn iyo inay qaateen cunto wasaqaysan.
Isniintii ayay ahayd markii wasaaradda caafimaadka ee Syria ay diiwaangelisay labo dhimasho oo la xiriira daacuunka.
Waxaa ka sii horreysay in Sabtidii Kurdiyiinta ay sheegeen in meelaha ay maamulaan ee waqooyiga iyo bariga Syria ay saddex qof ugu dhinteen cudurka.