Qareenka horay wadanka looga tarxiilay ee ku sugan Canada ,Miguna Miguna ayaa sheegay inuu shaacin doono taariikhda uu Kenya dib ugu soo noqonaya.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu ku sheegay in Ruto uu ballanqaad u sameeyay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in William Ruto oo hoggaanka dalka la wareegay uu u ballanqaaday in maanta meesha laga saari doono amarkii ahaa in diyaaradaha u soo safraya Kenya aynan soo qaadin Miguna.
I'm happy to announce that President @WilliamsRuto has assured me that the RED ALERTS will be LIFTED on Wednesday, September 14, 2022. Thereafter, I will have my Kenyan Passport renewed and I'll announce the date of my RETURN TO MY MOTHERLAND. Bravo! @kipmurkomen @EricNgeno
— Dr. Miguna Miguna (@MigunaMiguna) September 13, 2022