Maxaa Uhuru Kenyatta u qabsoomay 10 sano?

0
376

Uhuru Kenyatta oo ay saacado naga xigaan inuu hoggaanka wadanka ku wareejiyo madaxweynaha la doortay William Ruto ayaa khudbadii uu shalay jeediyay waxaa uu uga hadlay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo sanadkii 2013-kii oo uu talada kala wareegay Mwai Kibaki.
Waxaa uu sheegay inuu dhaqangeliyay oo uu xoojiyay nidaamka dowlad wadaajinta ee ku qeexan dastuurka la soo saaray sanadkii 2010-kii.
Uhuru Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay horseedday in adeegyada aasaasiga sida caafimaadka , biyaha iyo tacliinta hoose laga fidiyo meel u dhow shacabka.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in tan iyo sanadkii 2013-kii, dowladda dhexe ay ismaamullada ku wareejisay lacag gaaraysa 2.5 tiriliyoon oo shilin.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay arrimaha tacliinta isagoo arrin lagu faani karo ku tilmaamay hirgelinta manhajka waxbarashada ee CBC oo looga gol-leeyahay in ardayda uu ka soo dhiso dhanka xirfadaha iyo hal-abuurka.
Waxaa uu sheegay in lagu guulaystay in boqolkiiba boqol ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay ku biiraan dugsiyada sare.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in la dardargeliyay barnaamijyada waxbarasho ee dalka isagoo tusaale u soo qaatay in Mwai Kibaki uu mid lacag la’aan ah ka dhigay waxbarashada dugsiyada hoose dhexe isagana uu heerkaasi gaarsiiyay dugsiyada sare ee laga hooydo ama aan kolaajka ahayn.
Uhuru ayaa xusay inay jireen caqabado loo beddelay fursado.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay arrimaha ammaanka isagoo carrabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu abuuray jawi amni oo deggan oo sida uu sheegay lagu aamusiiyay argagixisada hoosna loogu dhigay falal dambiyeedyada abaabulan.
Uhuru ayaa sheegay inuu ka shaqeeyay isdhexgalka dhaqaale ee waddamada bariga Afrika isagoo tusaale u soo qaatay tallaabadii ay dowladda DRC ay ugu biirtay jaaliyadda bariga Afrika ee EAC.
Sidoo kale waxaa uu guul ku tilmaamay in Kenya ay xubin aan joogto ahayn ka noqotay golaha amniga ee qaramada midoobay.
Uhuru ayaa sheegay in sanadihii ugu dambeeyay ay Kenya booqasho rasmi ah ku yimaadeen in ka badan 100 madaxweyne.
Waxaa uu sheegay inay 10 jibbaarmeen lacagaha laga soo diro dibadda ee sanad waliba soo gaaro Kenya.
Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in maamulka Jubilee uu 10-kii sano ee ugu dambeeyay laami ka dhigay waddooyin cusub oo la dhisay oo uu dheerarkoodu yahay 11,500 oo kiilomitir.
Kenya ayuu hadda sheegay inay tahay meel qaaradda iyo caalamkaba loogu soo hirto dhanka maalgashiga .
Waxaa uu soo hadal qaaday xarumaha laga fidiyo adeegyada aasaasiga ee dowladda ee Huduma iyo hannaanka dijitaalka ee codsiyada lagu dirsado ee e-citizen.
Dhanka warbaahinta waxaa uu sheegay in sanadkii 2013-kii ay Kenya ka howlgalayeen 14 telefishin balse hadda ay yihiin 130.
Sidoo kale idaacadaha raadiyeyaasha waxay 2013-kii ahaayeen 130 halka ay hadda yihiin 204.
Dhanka dhaqaalaha waxaa uu sheegay in markii uu talada wadanka qabanayay ay Kenya kobaca dhaqaale ee qaaradda Afrika uga jirtay nambarka 12-aad balse ay hadda tahay nambarka 6-aad.
Kobaca dhaqaale ee wadanka ayuu ku sheegay inuu yahay ku dhawaad 13 tiriliyoon oo shilin.
Markii uu hoggaanka dalka qabanayay Uhuru waxaa sanad kasta maamulka KRA uu soo xareyn jiray dakhli gaaraya 800 oo bilyan balse hadda waxay maraysa 2 tiriliyoon oo shilin.
Waxaa uu sheegay in 10 sano oo uu talada wadanka hayay in ugu yaraan 13 milyan oo qof la gaarsiiyay adeegga biyaha nadiifka ah.
Dhanka caafimaadka waxaa uu sheegay in tan iyo sanadkii 2013-kii la dhisay 1,912 oo isbitaallo ah.
Kayda qaran ee korontada ee National Grid oo ahaa 1,300 oo megawatts waxaa uu hadda yahay 2,700 megawatts.