Madaxweynaha xafiiska banneynaya ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa gelinkii dambe ee shalay markii ugu horreysay farriin hambalyo ah u diray ku xigeenkiisi oo hoggaanka ugu sarreeya loo doortay.
Waxaa uu sheegay in isaga iyo qoyskiisaba ay Ruto ugu hambalyeynayaan in xilka madaxtinnimo uu ku guulaystay.
Uhuru ayaa intaasi ku daray inuu hoggaamiyaha cusub u rajeynayo kheyr iyo guul uu wadanka horumar ku gaarsiin karo.
Waxaa uu xusuusiyay in William Ruto uunan keliya madaxweyne u ahayn dadkii u codeeyay balse dhammaan kenyaanka.
Waxaa uu u sheegay inuu ugu duceynayo guul isagoo tilmaamay in guusha madaxweynaha ay guul u tahay jamhuuriyadda Kenya.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii William Ruto oo u warramay telefishinka CNN uu sheegay in Mr.Kenyatta aynan u cuntamin inuu u hambalyeeyo maadaama sida uu hadalka u dhigay tartanka madaxtinnimo loogaga adkaaday Raila Odinga oo uu taageerayay taasoo wajigabax ku noqotay.
1/3
President Uhuru Kenyatta on Monday hosted President-elect Dr. @WilliamsRuto at State House, Nairobi, ahead of tomorrow's inauguration ceremony. pic.twitter.com/iT51MzldwA— State House Kenya (@StateHouseKenya) September 12, 2022
3/3
Today’s meeting between President Kenyatta and President-elect Dr. Ruto affirms that all preparations for tomorrow’s inauguration are complete. pic.twitter.com/m41GEQYko5— State House Kenya (@StateHouseKenya) September 12, 2022