William Ruto oo maanta loo dhaarinaya hoggaanka ugu sarreeya dalka

0
200

Madaxweynaha la doortay William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa lagu wadaa in abaare 12:10 daqiiqo ee duhurnimo ee maanta loo dhaariyo qabashada hoggaanka wadanka.
Tani ayaa timid ka dib markii 5-tii bishan ay maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court ayidday gushii Ruto uu ka soo hooyay doorashadii guud ee bishii hore.
Howlaha u diyaar garowga dhaarinta mas’uuliyiintan oo toddobaadkii la soo dhaafay ka socday fagaaraha Kasarani Stadium ee magaalada Nairobi ayaa shalay galab la soo gabagabeeyay.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 60,000 oo qof ay si toos ah uga qayb geli doonaan xafladda dhaarinta Ruto iyo Gachagua.
Waxaa sidoo kale munaasabaddan goobjoog u ahaan doono 20 madaxweyne iyo marti sharaf muhiim oo gaaraya 2,500.
Albaabada garoonka Kasarani ayaa la furay abaare 4-tii subaxnimo ee maanta waxaana kenyaanka halkaasi tagaya loogu baaqay inay fadhiistaan ugu dambeyn 8-da subaxnimo.