Wasiirka tacliinta oo sheegay in lacagahooda la siin doono qandaraaslayaasha dhisay fasallada CBC

0
232

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa qandaraasleyda dhisay fasallada loogu tala galay manhajka tacliinta ee CBC u xaqiijiyay in lacagahooda ay heli doonaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulka cusub ee la wareegaya hoggaanka wadanka uu qarashaadkan bixin doono.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Bungoma ee galbeedka wadanka .
Waxaa uu bogaadiyay qandaraasleyda oo uu xusay inay xaqiijiyeen in dhisidda fasallada cusub ee CBC la dhameeyay ka hor inta uunan xafiiska banneyn madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Magoha ayaa wasiirka xilka kala wareegi doono ugu baaqay inuu xaqiijiyo in ganacsatadan ay helaan qarashaadka uga baxay hirgelinta mashruucan.
Wasiirka ayaa dhanka kale beeniyay wararka sheegaya in berri ay shaqo joojin ku dhaqaaqayaan barayaasha jaamacadaha wadanka isagoo warbixinnada arrintan ku aaddan ee la faafiyay ku tilmaamay kuwo waxba kama jiraan ah.