DHAGEYSO:Kalonzo Musyoka oo sheegay in isbeheysiga Azimio uu diyaar u yahay mucaaradnimo

0
307

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay inuu u hoggaansamaya go’aankii ay maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ku ayiday doorashadii guud ee madaxtinimo ee dhacday 9-kii bishii hore oo lagu doortay William Ruto.
Kalonzo ayaa sheegay in isaga iyo isbeheysiga uu xubinta ka yahay ee Azimio la Umoja-One Kenya ay go’aansadeen inay ka sii mid ahaadaan mucaaradka ayna kormeeraan howlaha dowladda si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka.
Waxaa uu xusay in mucaaradka ay hubin doonaan in dowladda ay daboosho baahiyaha shacabka iyadoo fulinaysa ballanqaadyadii ay sameysay.
Waxaa uu dhanka kale u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto.
Madaxa xisbiga Wiper ayaa sidoo kale wanaag u rajeeyay madaxweynaha 5-aad ee dalka oo xilkan loo dhaarin doono maalinka Talaadada ee 13-ka bishan.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee wadanka ayaa dhanka kale meesha ka saaray wararka sheegaya in uu ku biiray isbeheysiga uu hoggaamiyo madaxweynaha la doortay William Ruto ee Kenya Kwanza.
Waxaa uu intaasi ku daray in haddii ay taasi dhacdo ay noqon doonto mid soo ifbaxda oo ay ansixiyaan xubnaha xisbiga Wiper, isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya iyo shacabka.
Mar uu arrimahan ka hadlay ayaa waxa hadalladiisa ka mid ah