In ka badan 20 madaxweyne oo la filayo inay ka soo qayb galaan dhaarinta madaxweynaha la doortay

0
356

Xafladda dhaarinta ee madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa la filaya inay ka qaybgeli doonaan 20 madaxweyne.
Dr. Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa xilkan loo dhaarin doona maalinka Talaadada ee 13-ka bishan.
Waxaa ay dhaarinta ka dhici doonta garoonka cayaaraha ee Moi Kasarani ee magaalada Nairobi.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha ee xafiiska banneynaya Dr.Karanja Kibicho sidoo kalena xubin ka ah guddiga xil wareejinta, ayaa xaqiijiyay in wasaaradda arrimaha dibadda ay qaban qaabineyso sidii ay u qaabili lahayd madaxda ka qaybgeli doonto caleemka saarka madaxweynaha shanaad ee Kenya.
Waxaa uu intaasi ku daray in 2,500 oo qof oo aad muhiim ah ay sidoo kale soo qaybgali doonaan xafladda.
Kibicho ayaa xusay in garoonka Kasarani uu qaadaya 60,000 oo qof, isagoo kula taliyay dadka Kenyaanka ah ee imaanaya xafladda inay farristan 7-da subaxnimo ee maalinkaasi.
10,000 oo askari oo boolis ah ayaa la geyn doonaa goobta si ay u xaqiijiyaan nidaamka iyo badqabka dadweynaha halkaasi imaan doona.
Dr.Kibicho ayaa carrabka ku dhuftay in diyaargarowga maalinkaasi la soo gabagabeynaya maanta.
Madaxweynaha la doortay ee dalka William Ruto ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegaya madaxweynaha xafiiska banneynaya Uhuru Kenyatta oo uu ku xigeen u ahaa 10-kii sano ee la soo dhaafay.