Qaramada Midoobay oo ku baaqday in loo gurmado Pakistan

0
396

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay gurmad u fidiso dowladda dalka Pakistan.
Tani ayaa timid ka dib markii ku dhawaad 1,400 oo qof ay ku dhinteen daadad halkaasi ka dhacay oo barakiciyay ugu yaraan hal milyan oo ruux.
Guterres oo saaka gaaray caasimadda Pakistan ee Islamabad ayaa waxaa soo dhaweysay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi Hina Rabbani Khar.