Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in isaga iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay in Ruushka loo aqoonsado dowlad argagixiso.
Shalay ayay ahayd markii Blinken uu safar aan la sii shaacin ku tagay caasimadda Ukraine ee Kyiv.
Zelenskyy ayaa hoosta ka xarriiqay in marnaba dunida aynan hilmaami karin argagaxa uu abuuray Ruushka.
Waxaa uu intaasi ku daray in tan iyo koowdii bishan Sagalaad ay ciidamada Ukraine dib ula wareegeen dhul ah in ka badan 1,000 kiilomitir oo isku wareeg ah.