Barasaabka Nairobi oo sameeyay ballanqaad dhanka tacliinta ah

0
210

Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa maanta ballanqaaday inay ka go’an tahay xoojinta barnaamijka lagu quudiyo ardayda dhigta dugsiyada.
Waxaa uu sheegay in tani ay ka mid ahayd ballanqaadyadiisi siyaasadeed sidaas awgeedna uu oofin doono.
Sakaja ayaa xusay in barnaamijka cunnada lagu bartilmaameedsan doono dugsiyada dowladda ee ay si wayn u saameysay saboolnimada ka jirto qaybo ka mid ah caasimadda dalka.
Waxaa uu soo dhaweeyay iskaashi kala dhexeynaya hay’adda cunnada adduunka ee WFP oo sheegtay inay taageeri doonto qorshaha cunnada lagu siiyo ardayda iyo dadaallada kale ee nafaqo ee guud ahaan dalka.