Saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay xalay ku nafwaayeen shil laga soo tabiyay waddada Namanga gaar ahaan meel u dhow magaalada Ilbisil ee ismaamulka Kajiado.
Sida ku cad warbixinta booliska , saddex qof oo kale ayay dhaawacyo soo gaareen.
Booliska ayaa laga soo xigtay in baabuur yar oo si xowli ah loo kaxeynayay uu soo dhaafay shan gawaari oo kale ka hor inta uunan ku dhicin mid ka mid ah baabuurta xamuulka.
Tani ayaa sababtay in gaariga uu waddada ka baxo halkaasi oo ay ku dhinteen labo qof oo ka mid ah dadkii saarnaa.
Qofka saddexaad ayaa u geeriyooday dhaawac soo gaaray.
Waxaa shilka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliska ee degmada Oloilai Joseph Mutiria.
Taliyaha ayaa wadayaasha baabuurta ku boorriyay inay u hoggaansamaan xeerarka gaadiidka.