Wasaaradda dowlad wadaajinta ayaa barasaabyada ismaamullada uga digtay inay kheyraadka dadweynaha u adeegsadaan in lagu qarash geliyo farriimo hambalyo ah oo madaxweynaha la doortay William Ruto loo soo marinaya wargeysyada maxalliga.
Waxaa maanta digniintan soo saaray xoghayaha joogtada ee wasaaradda dowlad wadaajinta Julius Korir .
Mas’uulkan ayaa xusay inuu talo arrintan ku aaddan ka helay William Ruto oo bishii hore loo doortay xilka madaxtinnimo.
Korir ayaa barasaabyada kula taliyay inay adeegsadaan baraha bulshada si ay ugu hambalyeeyaan madaxweynaha cusub.