DHAGEYSO:Ducaale oo noqday xildhibaankii ugu horreeyay ee maanta la dhaariyay

0
339

Mudanaha deegaan baarlamaneedka Garissa Township ee ismaamulka Garissa Aadan Barre Ducaale ayaa maanta loogu hor dhaariyay xubnaha baarlamaanka.
Waxaa uu ku dhaartay inuu ilaalin doono dastuurka wadanka oo uu si daacadnimo ay ku dheehan tahay u gudanaya waajibaadkiisa shaqo.

Aadan Barre Ducaale oo markii afaraad shacabka Garissa Township ku matalaya golaha qaran ee xeer dejinta ayaa horay u soo noqday hoggaamiyihii aqlabiyadda tani oo fursad u siisay inuu noqdo siyaasiga ugu horreeyay ee la dhaariyay saaka.
Waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in baarlamaanka 13-aad ee dalka ay mar kale dib ugu soo laabteen xubno ay baarlamaanadii hore uga wada tirsanayeen.
Mas’uuliyiinta ayaa ku dhaartay inay ilaalin doonaan dastuurka wadanka oo ay si caddaalad ah ugu adeegi doonaan qaranka Kenya iyo dadkiisa.