Boris Johnson oo xafiiska baneeyay iyo Liz Truss oo magacaabid ka sugeysa boqoradda

0
327
Johnson, oo ay weheliso xaaskiisa Carrie Johnson, ayaa ka soo baxay xafiiskiisa Downing Street

Ra’iisul wasaaraha xilka ka sii degaya ee boqortooyada Ingiriiska Boris Johnson ayaa markii ugu dambeysay ka tagay xafiiskiisa Downing Street ka hor inta uusan u ambabixin Scotland si uu iscasilaadiisa si rasmi ah ugu bandhigo boqoradda UK Queen Elizabeth II.
Boris oo ku dhawaaqay inuu doonaya in uu xilka ka dego laba bilood ka hor, ayaa la filayaa inuu boqoradda kula kulmo galinka dambe ee maanta gurigeeda Balmoral si xilka loogu wareejiyo haweeneyda loo doortay ra’iisul wasaaraha UK Liz Truss.
Truss, oo loo doortay hoggaamiyaha xisbiga Conservative Party ee talada haya, ayaa loo magacaabi doonaa ra’iisul wasaare inta ay ku guda jirto dhageysigeeda iyada iyo boqoradda.
Truss, oo 47 jir ah, ayaa xilka la wareegtay maalin kadib markii 172,000 oo xubnood ee xisbiga Conservative-ka ay u doorteen inay hoggaamiso xisbigooda.