Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa ballanqaaday in uu xallin doono dhowr caqabadood 100-ka maalmood ee ugu horreeya xafiiska.
Xilli uu shalay qaranka la hadlay ka dib markii ay maxkamadda sare ku taageertay guushii lagu murmay ee doorashadii madaxtinimo.
Waxaa uu ballanqaaday inuu wax ka qaban doono musuqmaasuqa ka jira dalka ee ka mid tahay xatooyada hantida dadweynaha.
Madaxweynaha la doortay ayaa sheegay inuu ka warqabo baahida degdega ah ee dalka uu u qabo in la dhimo qiimaha maciishada, islamarkaana marka uu xafiiska la wareego uu mudnaan siin doono arrintan.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu si buuxda u shaacin doono waxyaabaha uu mudnaanta siin doona caleema saarkiisa ka dib.
Dr.Ruto ayaa xusay inuu diiradda saari doono sidii booliska iyo garsoorka ay u heli lahaayeen madax-banaanidooda.