Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay dadka cadaaladda u raadsada Al-Shabaab

0
259

Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamad Xijaar ayaa uga digay dadka inay cadaalad u raadsadaan uruka Al-Shabaab.
Waxaa uu dadweynaha Soomaaliya ugu baaqay inay booliska ku soo wargeliyaan haddii ay dhacdo in looga yeero goobaha Shabaab.
“Ma ahan in la aado ninkii baabuur ka ijaaro iyo kuwa u tega kuli kuwa dagaallamayo iyo dadkaas u adeegayo waa isku mid” ayuu yiri taliyaha booliska.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada dowladda ay buruburiyeen maxkamad ay Al-Shabaab ku lahaayeen agagaarka Basra.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa ka dib markii ciidamada Gorgor ay howlgal ka fuliyeen deegaanno hoostaga Shabeellaha Hoose.