Guddiga xil wareejinta oo sheegay in madaxweynaha 5-aad ee Kenya la dhaarin doono 13-ka bishan

0
331

Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Joseph Kinyua ayaa maanta guddoomiyay kulan ay yeesheen xubnaha guddiga qaabilsan xil wareejinta iyo saraakiil ka socotay madaxweynaha la doortay ee William Ruto.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in guddigan lagu soo dhisay xeerka 21-aad ee sanadkii 2012.
Joseph Kinyua ayaa xusay in guddigan la soo dhisay 12-kii bishii hore.
Guddigan ayaa ku shaqeeya farqada 141-aad ee dastuurka wadanka lagu maamulo.
Waajibaadka ugu muhiimsan ee guddigan ayuu Kinyua ku sheegay inuu yahay dardargelinta sida ay xilalka isugu wareejiyaan maamulkii hore iyo maamulka cusub ee madaxweynaha 5-aad ee Kenya William Ruto.
Mr.Kinyua ayaa xusay inuu kulan la qaatay saaka saraakiil ka socotay guddiga xafiiska la wareegaya ee madaxweynaha la doortay.
Saraakiisha uu la kulmay waxaa ka mid ah, afhayeenkii hore ee baarlamaanka dalka Justin Muturi, xoghayaha guud ee xisbiga talada la wareegaya ee UDA Veronica Maina, barasaabkii hore ee ismaamulka Machakos Alfred Mutua, agaasimaha isgaarsiinta ee madaxweynaha la doortay Xuseen Maxamad iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaa uu intaasi ku daray in maalinta madaxweynah cusub la dhaarin doono ay noqon doonto maalin fasax qaran ah, islamarkaana lagu soo daabici doono wargeyska rasmiga ee dowladda.
Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ayaa sheegay in xafladda dhaarinta lagu qaban doono garoonka cayaaraha ee Moi Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu tilmaamay in sida dastuurka wadanka lagu maamulo uu dhigaya in madaxweynaha la doortay la dhaariyo 7 cisho ka dib maalin Talaado ah marka ay maxkamadda sare taageerto guusha hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka.
Sidoo kale waxa uu qeexay in wakhtiyada saxda ah ee dhaarinta ay dhacayso inta u dhexeysa 10-ka subaxnimo ilaa 2-da duhurnimo.
Madaxweymaha 5-aad ee Kenya William Ruto ayaa la dhaarin doono 13-ka bishan ee toddobadka dambe.
Joseph Kinyua, madaxa waaxda adeegga dadweynaha ayaa kenyaanka ugu baaqay in maalinkaasi taarikhiga ah ee ka soo qayb galaan.
Waxaa uu dambeyn sheegay inuu kenyaanka la wadaagi doono wixii faahfaahin oo dib ka soo kordho dhammaadka toddobaadkan.