Qarax ka dhacay masjid ku yaalla Afghanistan oo uu ku dhintay wadaad caan ah iyo dad rayid ah

0
366

Qarax ka dhacay bannaanka hore ee masjid ku yaalla magaalada Herat ee galbeedka dalka Afghanistan ayaa waxaa ku dhintay wadaad taagersan kooxda Taaliban iyo dad badan oo rayid ah.
Waxaa uu qarax dhacay xilli dakii ku sugnaa masaajidkaasi ay oogayeen saaladdii Jimcaha ee maanta.
Afhayeenka booliska ee magaalada Herat Maxamuud Rasoli ayaa sheegay in wadaadka caanka ah ee qarax ku dhintay oo lagu magacaabi jiray Mujib Rahman Ansari, ay la socdaan qaar ka mid ah ilaaladiisa iyo dad rayid ah kuwaas oo qaraxa ku dhinteen iyaga oo ku sii jeeda masjidka.
Ilo wareedyo ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in 15 qof ay ku dhinteen dhacdadan.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda, sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay wax u muuqday meydad dhiig leh oo daadsan agagaarka dhismaha masjidka.