Maxkamadda sare oo soo gabagabeysay dacwadaha ka dhanka ah natiijada madaxtinimo

0
612

Maxkamadda ugu sarreysa ee Kenya ayaa goor dhaweyd soo gabagabeysay dhageysiga dacwadaha ay gudbiyeen dhinacyada ka hor yimid natiijadii xilka madaxtinimo iyo kuwa is difaacaya.
Waxaa ay maxkamadda dhageysatay dacwadaha ka dhanka ah natiijada xilka madaxtinimo ee la soo gudbiyay iyo sidoo kale jawaabaha ay soo gudbiyeen dhinacyada is difaacayay oo kala ahaa guddiga doorashada ee IEBC uu hoggaamiyo Wafula Chebukati iyo sidoo kale madaxweynaha la doortay William Ruto.
Maxkamadda ayaa dacwaddan go’aan soo saari doonto 5-ta bishan oo ku beegan maalinka Isniinta ee toddobaadka dambe.
Haddii aqlabiyadda garsoorayaasha maxkamadda ugu sarreysa Kenya ee Supreme Court ay ayidaan ama taageeraan doorashada madaxweynaha la doortay ee William Ruto, waxaa xilkan loo dhaarin doonaa 13-ka bishan.
Haddii taasi dhicin oo doorashadii xilka madaxtinimo ay maxkamadda sare daaqadda ka tuurto, ayaa waxa uu dastuurka wadanka lagu maamulo dhigaya in doorasho ku celis ah lagu qabto muddo 60 cisho gudaheed.