Madaxweyne ku xigeenka dalka Argentina Cristina Fernández de Kirchner ayaa si dirqi uga badbaadday isku day dil oo lala damacsanaa.
Haweeneydan ayaa dilka uga badbaadday ninki falkan gaysan lahaa oo ay xabadda u dhici weysay.
Cristinia ayaa xilliga iskudayga dil loo gaysanayay ku sugneyd afaafka hore ee gurigeeda xilli ay salaameysay taageerayaasheeda oo halkaa ku soo uruuray.
Booliska ayaa gacanta ku dhigeen ninki dilka gaysan rabay iyaga oo baaritaan ku hayo.
Iskudayga dil ee madaxweyne ku xigeenka wadankaasi ayaa ku soo aadaya xilli ay maxkamadda dhageysaneyso dacwad musuqmaasuq oo loo soo jeediyey.
Kiiska dacwadda ee ku socota Cristina haddii lagu helo, maxkamadda waxay ku ridi doontaa 12 sano oo xabsi ah iyo nolosheeda inta ka dhiman oo siyaasadda laga mamnuuco.