Maxkamadda oo saaka billowday dhageysiga jawaabaha dhinacyada eedeynta loo soo jeediyay ee Ruto iyo IEBC

0
342

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme ayaa saaka 9-kii subaxninmo billowday dhageysiga dhinacyada eedeynta loo jeediyay ee kala ah guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati iyo madaxweynaha la doortay William Ruto.
William Ruto ayaa difaaci doona guushii uu ka gaaray doorashadii guud ee madaxtinimo ee dhacday 9-kii bishii hore.
Madaxweynaha la doortay William Ruto ayaa waxaa matali doona qareennada kala ah, Fred Ngatia, Kioko Kilukumi, Prof. Kithure Kindiki iyo Katwa Kigen.
Qareennada matalaya guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati ayaa ku doodaya in guddiga uu qabtay doorasho xor iyo xalaal ah.
Hasa ahaate afar ka mid ah saraakiisha sar sare ee IEBC ayaa ku andacooday in doorashada la farageliyay.
Guddiga IEBC iyo guddomiyahooda Wafula Chebukati ayaa waxaa matali doona garyaqaannada kala Githu Muigai oo horay soo noqday xeer ilaalihii guud ee wadanka, Eric Gumbo iyo Kamau Karori.