Jugta madaafiic xooggan ayaa xilli lagu jiray salaaddii subax ee saaka laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaana ka soo baxaya faahfaahino dheeraad ah.
Ilaa shan madfac oo jugtooda la maqlay ayaa ku soo dhacay xaafado ka tirsan Boondheere iyo Cabdicasiis, saddex ka mid ah ayaa ku dhacay xaafadda Busley, agagaarka Daljirka Daahsoon iyo Isgoyska Shabeelle, halka mid kalena uu ku dhacay qayb ka mid ah degmada Cabdicasiis.
Khasaaro ayaa ka dhashay hoobiyeyaasha saaka lagu garaacay qaybo ka mid ah degmada Boondheere, dhowr qof ayaa la xaqiijyey inay ku dhaawacmeen madfaca ku dhacay xaafadda Busley oo ay deggan yihiin dad shacab ah.
Waxaa wararka qaar ay sheegayaan in hal qof uu ku dhintay weerarka hobiyeyaasha halka 15 qof oo ay carruur ku jiraan dhawaacyo soo gaareen.
Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa durbadii gaaray goobaha ay ku dhaceen madaafiicda, islamarkaana waxaa la daadgureeyay dadka waxyeelada ka soo gaartay madaafiicda, kuwaas oo loo qaaday xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.
Laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin madaafiicda arroornimadii hore ee saaka ku soo dhacay degmooyinka Cabdicasiis iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, inkastoo Al-Shabaab ay inta badan sheegato mas’uuliyadda weerarrada noocan ah.