DHAGEYSO:7 su’aalood oo xakiinnada hor dhigeen qareennada soo gudbiyay dacwadda ka dhanka ah natiijada madaxtinimo

0
589

Xubnaha ka soo horjeeda natiijada doorashada madaxtinimo ee 9-kii bishii hore dhacday ayaa ka soo hor muuqday maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court.
7 dacwadood oo looga soo horjeedo natiijadii madaxtinimo ee lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto ayaa maxkamadda shalay dhageysatay.
Waxaa ay doonayaan kuwa dacwadda soo gudbiyay in maxkamadda sare ay daaqadda ka tuurto guusha Ruto.
Kooxaha qareennada kala matalaya musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua, sidoo kale shakhsiyaadka kale ee  soo gudbiyay dacwadaha ka dhanka ah William Ruto ayaa ku doodaya inay la farageliyay hannaankii doorashada ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Dacwadda oo socotay shalay oo dhan ayaa garsoorayaasha maxkamadda sare waxay soo bandhigeen su’aalo kala duwan oo ay ku doonayeen inay fahmaan qaar ka mid ah doodaha ay soo gudbiyeen qareennada matalaya xubnaha doonaya in meesha laga saaro natiijadii ka soo baxday xilka madaxtinimo.
Su’aalaha ugu muhiimsan ee ay soo bandhigeen toddobada garsoore oo ay hoggaaminaysay madaxa cadaaladda ee Kenya Martha Koome ayaa ahaa sida foomamka doorashada 34A ee laga soo gudbiyay xarumihii codbixinta la beddelay ka dibna dib loogu daabacay hannanka IEBC.
Garsoore Smokin Wanjala ayaa weydiiyay qareennada sida Foomamka ay u kala duwanaanayaan, isla arrinta foomamka doorashada 34A, garsoore Njoki Ndung’u waxay sheegtay inaysan wax badan ka fahansaneen tiknoolajiyadda, balse ay u maleynayso in goobta codbixinta marka qalabka diiwaanka dijitaalka KIEMS uu soo qabto sawirka codbixiyaha, iyadoo foomamkan lagu qoray gacan.
Sidee foom gacan lagu qoray loo beddeli kara, sidee taasi ku dhacda? ayay weydiisay qareennada dacwadda soo gudbiyay .
Ku xigeenka madaxa cadaaladda ee dalka Philomena Mwilu ayaa isla su’aal la xiriirta weydiisay, iyada oo ku boorrisay inay doonayso inay ogaato qaabka foomamka 34A ay yihiin marka lagu daabcayo hannaanka IEBC?
Garsoorayaasha maxkamada sare ayaa sidoo kale doonaya inay ogaadaan halka uu salka ku hayo isqabqabsiga ka dhex jira guddiga doorashada ee labada dhinac u kala jabay.
Garsoore Smokin Wanjala ayaa la yaabay sababta afar ka mid ah ay saraakiisha aysan u hadlin wixii ka horreeya maalinka lagu dhawaaqay natiijada doorashada madaxtinimo.

Waxaa ay sidoo kale garsoorayaasha doonayaan inay faahfaahin dheeri ah ka helaan qaar ka mid ah codsiyada ay dalbadeen kooxda dacwadda soo gudbiyay oo ay ka mid yihiin cadeynta ah in guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati uu galay qalaadaad la xiriira doorashada, sidaas darteedna uu yahay mid aan u qalmin in uu kormeero doorashooyinka iyo sidoo kale in uusan ku habbooneyn in uu qabto xafiiskaasi.
Garsoore Maxamad Ibraahim ayaa ka hadlay saameynta ay leedahay in haddii guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati lagu dhawaaqo inuusan u qalmin inuu qabto xafiiskaasi iyadoo la eegayo booska bannaan, dhibaatada sharci ee ka dhalan karta haddii la amro in doorasho cusub la qabto.