Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ,Wafula Chebukati ayaa galabta si rasmi ah ugu dhawaaqay in William Ruto oo matalayay xisbiga UDA uu ku soo baxay xilka madaxtinnimo ee wadanka ka dib doorashadii guud ee dhacday 9-kii bishan Siddeedaad.
Tani ayaa timid ka dib markii uu Ruto soo hooyay in ka badan boqolkiiba 50 ee codadkii la dhiibtay.
Tirada codadka ee uu ku guulaystay William Ruto ayay IEBC ku sheegtay 7,176,141 oo u dhiganta boqolkiiba 50.49.
Waxaa uu ugu yaraan boqolkiiba 25 oo codad ah uu ka helay 39 ka mid ah ismaamullada wadanka.
William Ruto ayaa tartanka madaxtinnimo uga adkaaday musharraxii madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja Raila Odinga oo helay codad gaaraya 6,942,930 oo u dhiganta boqolkiiba 48.85.
Raila ayaa ugu yaraan boqolkiiba 25 ee codadka ka soo hooyay 34 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka.
Musharraxii madaxweyne ee xisbiga Roots Party Prof.George Wajackoyah ayaa helay codad gaaraya 61,969 oo u dhiganta boqolkiiba 0.44 halka dhigiisa xisbiga Agano David Mwaure Waihiga uu helay codad gaaraya 31,987 oo u dhiganta boqolkiiba 0.23.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa sidatan xarunta Bomas ee magaalada Nairobi uga dhawaaqay guusha William Ruto ….Cod