Afar ka mid ah saraakiisha IEBC oo walaac ka muujinaya natiijada la filayo

0
285

Guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Juliana Cherera oo warbaahinta kula hadashay maqaaxida Serena ee magaalada Nairobi iyadoo ay saddex saraakiil sare oo kale ay weheliyaan ayaa walaac ka muujisay marxaladda ugu dambeysa ee geeddisocodka doorasho.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay xaqiijiyeen in sare loo qaaday hal-beegyada xilligii doorashada.
Sidoo kale waxay sheegtay in wax kasta dadka lala wadaagayay.
Juliana ayaa carrabka ku dhufatay in guddi ahaan ay shaqo wanaagsan qabteen hasa ahaate ay jiraan arrimo u baahan in laga hadlo.
Waxay intaasi ku dartay in iyagoo afar ah aynan ku sugnayn xarunta dhexe ee Bomas maadaama geeddisocodkan qaybtiisa ugu dambeysa sida ay hadalka u dhigtay uu mugdi ku jiro oo aan sida habboon loo maareyn.
Juliana ayaa sheegtay inaynan qaadi karin mas’uuliyadda natiijada madaxtinnimo ee la shaacin doono.
Sidoo kale waxay xustay inay furan tahay fursad cidii aan natiijada ku qancin ay maxkamadda dacwad ugu gudbin karto si uu sharciga u sarreeyo.
Guddoomiye ku xigeenka IEBC iyo saraakiisha kale ee wehelinayay ayaa sheegay inay bayaan faahfaahsan dib ka soo bandhigi doonaan.
Kenyaanka ayay ugu baaqday inay isdejiyaan oo ay nabadda ku dadaalaan.