Guddoomiyaha IEBC oo ka hadlay dhibaatooyin uu guddigu wajahay

0
330

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa maanta sheegay inay ku guulaysteen in doorashadii dalka ka dhacday ay u maareeyaan si xor iyo xalaal ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in safarka ay u soo galeen shaacinta natiijada madaxtinnimo uunan ahayn mid fudud balse ay ka soo baxeen waajibaadkooda dastuuriga ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu ka soo gudbay handadaad iyo dhibaateyn.
Chebukati ayaa xusay inay jireen saraakiil ka tirsan guddiga IEBC oo xabsiga la dhigay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in labo ka mid ah saraakiisha guddiga oo uu ka mid yahay madaxa fulinta la dhaawacay.
Waxaa uu sheegay in maalmo ka hor la waayay sarkaalkii IEBC u qaabilsanaa galbeedka deegaanka Embakasi ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu u mahadceliyay saraakiisha guddiga oo uu hoosta ka xarriiqay inay u soo dabar adeegeen xaalado adag.
Chebukati ayaa tilmaamay inuu ku faanayo inuu soo gabagabeeyay geeddi socod aad u adkaa oo uu ka dhabeeyay dhaarashadii uu maray ee ilaalinta dastuurka.