Xildhibaanka Machakos Town Victor Munyaka ayaa sheegay in loolanka siyaasadeed loogaga adkaaday.
Waxaa uu u hambalyeeyay Caleb Mule oo ka tirsan xisbiga Maendeleo Chap Chap oo ay tartamayeen.
Munyaka ayaa doonayay in isagoo adeegsanaya tikedhka xisbiga UDA uu kursigiisa difaacdo hasa ahaate waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu qadarinayo rabitaanka shacabka Machakos sidaas awgeedna uu Mule kheyr u rajeynaya.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo natiijada horudhaca ah ay muujinayso in codadka ilaa iyo hadda la tiriyay uu musharraxiinta kale ku hoggaaminaya Mule.
Waxaa sidoo kale in tartanka xildhibaananimo ee deegaan baarlamaneedka Taveta ee ismaamulka Taita Taveta ee gobolka Xeebta sheegtay in looga guulaystay Naomi Shaban iyadoo u hambalyeysay Bwire Akano oo ka tirsan xisbiga Wiper Party maadaama uu ku hoggaaminayo codadka hor dhaca ah ee ilaa iyo hadda la tiriyay.
Naomi oo matalaysa xisbiga Jubilee ayaa doonaysay inay difaacato kursigan Taita Constituency oo ay muddo 20 sano ah ku fadhiday.
Moses Kuria oo isna u tartamayay xilka barasaabnimo ee ismaamulka Kiambu waxaa uu saaka sheegay inuu gacan taagtay oo uu diiradda saari doono ganacsi u gaar ah.
Waxaa uu u hambalyeeyay musharraxa xisbiga UDA ee dhanka codadka ku horreeya Kimani Wamatangi .
Sidoo kale waxaa tanaasulay musharraxii xisbiga UDA ee deegaanka Langata ee magaalada Nairobi Nixon Korir.
Waxaa sidoo kale tanaasulay xildhibaanka Kipipiri Amos Kimunya.