DHAGEYSO:Mid ka mid ah musharraxiinta Madogashe oo ka cabanaysa in wakiilladeeda loo diiday goobta codbixinta

0
613

Faadumo Shariif Nuur oo ka mid ah musharraxiinta xilka wakiilka deegaanka hoose ee Madogashe ee deegaan baarlamaneedka Lagdera ayaa sheegtay in shalay wakiilladeeda aan loo oggolaan inay gudaha u galaan goobta codbixinta.

Hasa ahaate isku duwaha arrimaha doorashooyinka ee Lagdera Faarax Cabdi Ibraahim oo aan arrintan wax ka weydiinay ayaa ku jawaabay in cabashada musharraxa aan si rasmi ah loogu gudbin.
Sidoo kale waxaa uu xaqiijiyay in dhammaan codadkii shalay laga dhiibtay goobaha kala duwan la geeyay xarunta dhexe ee codadka Lagdera lagu tirinaya oo ku taalla magaalada Madogashe.