Dugsiyada dalka oo dib loo furi doono 15-ka bishan

0
376

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa bayaan uu daqiiqado ka hor soo saaray ku sheegay in dugsiyada dalka ee sida ku meel gaar ah loo xiray dib loo furi doono 15-ka bishan ee maalinka Isniinta ee toddobaadka dambe.
Prof. George Magoha ayaa xusay in isbeddellada ay sababeen dib u dhac la filayo in uu ku yimaado hannaanka tirinta codadka ee doorashadii shalay wadanka ka qabsoontay.
“Ka dib wadatashiyo dheeraad ah oo la sameeyay , waxaan halkan ku soo gudbinayaa go’aanka dowladda ee ah in xarumaha waxbarashada dib loo furi doono laga bilaabo maalinka Isniinta ee toddobaadka dambe,” ayuu yiri Prof. George Magoha
Dugsiyada dalka ayaa ka mid ahaa goobihii shalay loo adeegsaday in codadka laga dhibto sidoo kale haatan lagu tirinaya.
Horraan ayay ahayd markii uu wasiirka sheegay in dugsiyada dib la furi doono berri oo ku beegan 11-ka bisha Siddeedaaad, hasa ahaate dib u eegis lagu sameeyay, iyadoo lagu qiimeyay xaaladda dalka ee doorashada.