IEBC oo shacabka ugu baaqday inay deganaansho muujiyaan

0
601

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) Wafula Chebukati ayaa kenyaanka ka codsaday inay dulqaataan inta laga soo gabagabeynaya tirinta codadka laga dhiibtay doorashadii guud ee shalay wadanka ka dhacday.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in guddiga uu sharci ahaan haysto muddo 7 cisho ah oo uu ku shaacin karo natiijada madaxtinnimo.
Chebukati oo warbaahinta la hadlay xalay xilli dambe ayaa hoosta ka xarriiqay in codeynta ay si habsami leh u dhacday marka laga soo tago cillado kooban oo ka jiray qaybo ka mid ah dalka.
Guddoomiyaha ayaa dadweynaha uga mahadceliyay habdhaqan wanaaggii ay muujiyeen intii ay doorashado socotay.