Ruushka oo eryay 14 ka mid ah dibloomaasiyiinta Bulgaria

0
366

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in gudaha dalkeeda aan laga rabin 14 dibloomaasi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda wadanka Bulgaria.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa tallaabadan qaadday.
Tani ayaa ah mid looga falcelinayo go’aan ay horay dowladda Bulgaria dalkeeda uga soo eriday 70 ah shaqaalaha dibloomaasiyadda ee Ruushka oo ay ku eedeysay basaasnimo.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Moscow ayaa maanta bayaan ku sheegtay in Bulgaria ay horay u caddeysay inay waxyeelaysay Ruushka.