DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo beeniyay dhaliil ka timid Ruto

0
399

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaliil ka timid madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto oo ahayd inuu jiro qorsho lagu faragelinaya doorashada guud iyadoo la adeegsanaya saraakiisha maamulka iyo amniga ee dowladda dhexe.
Ruto oo shir jaraaid shalay qabtay ayaa hoosta ka xarriiqay in kulan arrintan ku saabsan xilliyada habeenkii ah la qabto oo xita madaxweynaha uu ka war qabo .
Sidoo kale waxa uu xusay in dowladdu ay qayb ka tahay warqado xambaarsan fariimo naceyb ah oo lagu faafiyay Uasin Gishu si codbixiyeyaasha khalkhal loogu beero.
Hasa ahaate wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in dhaliilaha William Ruto aynan sax ahayn oo uu dadweynaha ku boorrinaya inay iska dhaga tiraan.
Sidoo kale waxaa uu xaqiijiyay in waaxyaha amniga ay si buuxda ugu diyaar garoobeen sugidda amniga codeynta guud ee 9-ka bishan Siddeedaad.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Karanja Kibicho ayaa dhankiisa xusay in eedeymaha uu madaxweyne ku xigeenka Kenya u jeediyay saraakiisha maamulka ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah oo lagu dhaawacayo sumcadda mas’uuliyiintan.