Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa qalinka ku duugay amar madaxweyne oo oggolaanaya in haweenka ay leeyihiin xuquuq ay iskaga soo saari karaan ilmaha ay uurka ku sidaan.
Tani ayaa horseedaysa in barnaamijka Medicaid ee caymiska caafimaad siiya ilaa 2 milyan oo Ameerikaan ah uu howshan fuliyo.
Haweenka ku nool Maraykanka ayaa hadda ka dib fursad u heli doono inay u kala gooshaan gobollada kala duwan si hab-raacan caafimaad loogu fududeeyo.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa bishii hore saxiixay xeer arrintan ku saabsan.
Hasa ahaate maxkamadda ugu sarreysa Maraykanka ayaa soo saartay go’aamo ay ku hor istaagayso in dumarka loo fasaxo inay iska soo xaaqaan ilmaha ay uurka ku sidaan.
Xiriirka qaran ee qaabilsan iska soo rididda carruurta ee Maraykanka ayaa dhankiisa sheegay inuu diiwaangeliyay haween badan oo codsiyo soo dirsaday.