Wasiirka Arrimaha Gudaha ee jamhuuriyadda Somaliland Maxamad Kaahin Axmad ayaa faray dhammaan Ciidamada ammaanka in aynan deegaannada Somaliland ka qabsoomi karin mudaaharaad aan sharci loo haysan, xilli xisbiyada mucaaradka ay qorsheysteen inay dhigaan bannaanbax ka dhan ah Xukuumadda Somaliland.
Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay la socdaan bannaanbaxa ay qorsheysteen Xisbiyada mucaaradka, Islamarkaana qofka muwaadinka ah uu xor yahay in uu bannaanbaxo, hayeeshee looga baahan yahay inay tixgeliyeen xeerka u degsan Somaliland ee ah in muddo Saddex cisho ka hor ay ku soo wargeliyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka iyo Guddoomiyaha degmada si loogu asteeyo halka ay ku qabsanayaan bannaanbaxa.
Waxaa uu intaasi ku daray in bannaanaxa ay qorsheysteen Xisbiyada mucaaradka uu yahay mid sifo sharci darro ah loo marayo loogana soo horjeedo furista ururrada siyaasadda iyo doorashooyinka, isaga oo Ciidamada Amniga faray inay ka hortagaan.
Mucaaradka Somaliland ayaa qorsheynaya mudaharaad ka dhaca dhammaaan gobollada Somaliland oo ay ku dalbanayaan in doorashada wakhtigeedii ku dhacdo, waxaana kal hore jirtay in Ciidamada Somaliland ay rasaaseeyeen bannaanbax ay dhigayeen Xisbiyada, islamarkaana ay ku waxyeeloobeen Xildhibaanno iyo siyaasiyiin qayb ka ahaa mudaaharaadka.