Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC ayaa maanta warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 18, 000 oo isugu jiro kormeerayaal maxalli iyo kuwo heer caalami ah ay si dhow ula socon doonaan codeynta.
IEBC ayaa hoosta ka xarriiqday in ilaa iyo hadda ay soo saartay kaararka aqoonsiga ee 10, 000 oo kormeerayaashan ka mid ah.
Guddoomiyaha guddiga IEBC ,Wafula Chebukati ayaa sheegay inay mas’uuliyad ka saaran tahay inay xaqiijiyaan la socoshada doorashada.
Tani ayuu xusay inay ka mid tahay waajibaadkooda dastuuriga ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in codsiyada haray ee kormeerayaasha la soo saari doono ka hor maalinta doorashada guud ee Talaadada soo socoto.
Guddoomiyaha IEBC ayaa laga soo xigtay in kormeerayaasha heer caalami ee dabagalka ku sameyn doono geeddisocodka doorashada ay yihiin ku dhawaad 1, 300 waxaana ka mid ah xubno matalaya Howlgalka Kormeerka Doorashooyinka ee Midowga Yurub ee (EU EOM).
Madaxweynihii hore ee dalka Tansaaniya Jakaya Kikwete ayaa hoggaamin doono saraakiisha Jaaliyadda Bariga Afrika ee (EAC) ee kormeeri doono doorashada guud ee Kenya.
Kormeerayaasha ayaa la fahansiiyay waxyaabaha laga doonayo inay sameyaan maalinta codeynta.
Doorashada guud ee ay maalmo kooban naga xigaan ayaa waxaa isku diiwaangeliyay in ka badan 22 milyan oo codbixiyeyaal ah.