DHAGEYSO:Raila oo Ruto ugu baaqay inuu joojiyo weerarka dhanka afka ee ka dhan ah madaxweynaha

0
346

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa sheegay in toddobaad ka hor doorashada guud ay muuqato inay guul soo hooyn doonaan.
Waxaa uu dhigiisa Kenya Kwanza ahna madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ku boorriyay inuu soo afjaro dhaliisha uu u jeedinaya hoggaamiyaha dalka Uhuru Kenyatta.
Raila Odinga oo shalay hoggaamiyay isku soo baxyo ay ku qabteen ismaamullada Kiambu iyo Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka ayaa Ruto ka dalbaday inuu aqbalo natiijada haddii loolanka madaxtinnimo loogaga adkaado.
Waxaa uu ku celceliyay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uunan qayb ka ahayn tartanka sidaas awgeedna aynan jirin sabab loo bartilmaameedsado.
Raila Odinga ayaa ku andacoonaya in Ruto uu xilli hore dareemay in laga guulaysan doono sidaas awgeedna sida uu hadalka u dhigay isagoo ay caro ka muuqato uu dhaliilaya madaxweynaha si ay codbixiyeyaasha beer-jilleec ugu muujiyaan.